Saraakiil kasoo goostay Maamulka Balad Xaawo oo Ceel Cadde Lagu soo bandhigay.

Waxaa degmada Ceel Cadde ee wilaayada islaamiga ee Gedo lagu soo bandhigay saraakiil kasoo goostay maamulka Jubbaland ee Balad Xaawo.
Saraakiisha soo goostay ee isku soo dhiibay Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab waxay tiradoodu gaareysaa illaa afar sarkaal, waxayna kala yihiin Xuseen Jirbiil Ibraahim, Xuseen Sahal Aadam,Cabdi Wali Iftiin Barow iyo Muxamed Khaliif Xasan.
Munaasabad ballaaran oo lagu soo bandhigay saraakiishan ayaa ka dhacday degmada Ceel Cadde, waxayna si cad u sheegeen iney isaga soo baxeen Jubbaland, dibna ugu laaban doonin.
Wilaayaad islaamiga waxaa inta badan soo gaaraya askar iyo saraakiil katirsan dowladda federaalka iyo maamul goboleedyada, kuwaas oo kasoo baxsanaya safka Shisheeyaha, kuna biiray Umadooda.