Sarkaal katirsan Jubbaland Oo Kismaayo Lagu dilay.

Wararka ka imaanaya magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose ayaa ku waramaya in xalay magaalada uu ka dhacay dil loo geystay sarkaal katirsan maamulka Jubbaland ee uu hogaamiyo Axmed Madoobe.

Rag hubeysan ayaa toogtay Axmed Buulle oo ahaa gudoomiyaha xaafadda Via Afmadow oo kamid ah xaafadaha ugu caansan magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Ragga ayaa dilka markii ay geysteen ka dhaqaaqay goobta, waxaana xilli dambe goobta soo gaaray ciidamo katirsan maamulka Jubbaland oo qaaday meydka sarkaalka.

Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa sheegatay masuuliyadda dilka sarkaalkan, waxaana Kismaayo kusoo badanayay howlgallada ay fulinayaan ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

(cosmolex.com)

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.