Sarkaal katirsan Miina baarista Dowladda Oo Shabeellaha Hoose Lagu dilay.

Gobolka Shabeellaha hoose waxaa ka dhacay qarax lala eegtay sarkaal katirsan ciidamada dowladda federaalka, gaar ahaan kuwooda Miina baarista, kaas oo isku dayay inuu kala fur furo miino lagu aasay hareeraha wadada.

Qaraxan ayaa ka dhacay inta u dhexeysa deegaannada Nambar 50 iyo Ceel Saliini, waxaana ku dhintay sarkaalka oo lagu magacaabo Cabdullaahi Cabdi Aadan.

Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa sheegatay masuuliyadda qaraxan gallaafty sarkaalka katirsan ciidamada dowladda federaalka.

Wadada isku xirta deegaannada Nambar 50 illaa Ceel Saliini waxaa maalmihii lasoo dhaafay kusoo badanayay weeerarada qorsheysan ee lala beegsanayo ciidamada dowladda federaalka iyo kuwa Shisheeyaha.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.