Xog-hayihii Wasiirka Gaashandhiga Oo Muqdisho Lagu dilay.

Magaalada caasimadda ah ee Muqdisho waxaa habeenkii xalay ahaa ka dhacay howlgal lagu beegsaday sarkaal sare oo katirsan wasaaradda Gaashandhiga ee dowladda federaalka.

Cumar Axmed oo loo yaqaano Cumar Jinool, islamarkaana ahaa sarkaal laba xidigle ah, ahna Xoghayaha wasaaradda gaashandhiga ayaa lagu toogtay qeyboo kamid ah degmada Howlwadaag ee magaalada Muqdisho.

Raga dilka geystay ayaa goobta isaga tagay, waxaana mardambe meydkiisa qaaday ciidamo katirsan kuwa dowladda federaalka.

Majiro wax war ah oo kasoo baxay dowladda federaalka, oo ku aadan dilka sarkaalkan muhiimka u ahaa, waxaana maanta lagu wadaa in lagu aaso magaalada Muqdisho.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.