Sawirro: Boqollaal Kale oo Qoysas Ah oo Xoolo Sako Ah Loogu Qeybiyay Jubooyinka.

Boqolaal xoolaha Sakada ah oo isugu jira Geel, Ari iyo Lo’ ayaa loo qaybiyay qaar kamid ah bulshada ku dhaqan Wilaada jubooyinka.

Maamulkada degmooyinka Salagle, Saakoow, Jamaame iyo Jilib, ayaa Khamiistii qoysas badan oo dan yar ah siiyay xoolaha iyagoo tilaabadaas aad ugu farxay, magaalada Bu’aale-na waxaa maamulkeedu qaybinta bilaabay jimcahii shalay.

Dadka qaar ayaa calaa qof la siiyay min sodon neef oo Ari ah halka kuwa kale-na la siiyay min shan neef oo Geel ah, kuwana min toban neef oo lo ah.

Waxaa intaa dheeraa in dadka kale intooda badan la siinayay min hal neef oo Geel ah ama afar neef oo Ari ah.

Dan-yarta wilaayadu xoolahaan gudoonsiisay ayaa aad u farxay waxayna ahaayeen kuwa duceynaya.

Xoolahaan ayaa laga soo qaaday dadka Sekedu ku waajibtay waxaana la siiyay kuwa ay u waajibtay.

Sanad waliba sidaan oo kale ayaa loo bixayaa xoolaha Sekeda, waxaana ka faa’iideysta kumannaan qoys.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.