Shariif Sheekh Axmed: Waan iska dhicineynaa Dowladda Federaalka.

Hogaamiyaha Madasha Axsaabta Mucaaradka Shariif Sheekh Axmed, horeyna madaxweyne uga soo noqday dowladdii kumeel gaarka ahayd ayaa aad uga carooday tallaabo diyaarad uu isagu saarnaa looga hor istaagay iney ka degato magaalada Baladweyne.

Shariif oo shir jaraa’id qabtay ayaa shaaca ka qaaday in waxa socda aan loo adkeysan karin, islamarkaana ay si adag uga hortagi doonaan.

Wuxuu sheegay in dowladda federaalka ay ula dagaallami doonaan sidii ay ula dagaallameen Mooryaantii heysan jirtay magaalada Muqdisho.

“Nagama xoog badna, waan la dagaallameynaa” ayaa kamid ahaa hadallada uu yiri Shariif Sheekh Axmed, xilli caro xoogan laga dareemayay.

Hadalkan uu jeediyay Shariif Sheekh Axmed ayaa yimid, kadib markii shalay diyaarad siday madax katirsan Mucaaradka loo diiday iney ka degato magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.