Ururka NAATO oo qarka u saaran Burbur.(Warbixin)
Naato, waa urur milliteri oo ay ku mideysanyihiin inta badan dowaladaha dhaca Yurub, waxaana loo aas-aasay sidii looga hortagi lahaa ururkii Waarso ee uu Ruushku hogaaminayay.
Waxa uu ka koobanyahay 28 dowladood oo ay kamid yihiin Maraykanka, Faransiiska, Ingiriiska, Jarmalka, Turkiga iyo kuwa kale, waxaana ururkan uu masuul ka yahay duulaannada uu Maraykanku hor boodayo ee lagu qaaday wadamada Muslimiinta sida Afqaanistaan.
Inkastoo ay jirtay waqti uu ururkan aad u xooganaa, islamarkaana dowladaha Yurub ay isku mowqif iyo hadaf ka ahaayeen arimo badan, balse hadda wuxuu u muuqdaa mid taag dareeyey, ayna banaanka usoo baxeen calaamadaha burburkiisa.
Dhamaan dowladaha xubinta ka ah Naato, waxay hadda leeyihiin siyaasaad iyo afkaar kala duwan, dowlad kastana waxay si iskeeda ah u wajahaysaa dhibaatooyin iyo mashaakil, taas oo ay mudnaanta koowaad siineysa sidii ay kaga bixi lahayd.
Dagaalka aan dhamaadka lahayn iyo dhaqaalaha lagu bixinayo duulaannada wadamada Muslimiinta ayaa keeney in Naato awoodiisa is dhinto, kumanaan kamid ah ciidamadiisa ayaa si joogta ah ugu dhimanaya wadamada Muslimiinta, mana muuqato xal ay hayaan madaxda dowladahaas.
Dhawaan, madaxweynaha Faransiiska Emmanual Macron oo hadal jeediyay ayaa si cad uga hadlay xaqiiqda ururka Naato, wuxuuna sheegay in gaboobay, si aayar aayar ah uu u dhimanayo ururkaas.
“Ururka Naato maskaxiyan ayuu u dhintay” ayuu yiri Emmanual Macron, wuxuuna intaas ku daray “haddii aan dooneyno inaan nabad ka dhalino Yurub, oo aan dib usoo ceshano madax banaanida go’aannadeena istiraatijiga ah, waxaan u baahannahay inaan dib u eegno mowqifkeena ku aadan Ruushka”.
Isagoo sii hadlaya ayuu sheegay in Naato looga baahanyahay iney heshiis la galaan dowladda Ruushka, meeshana laga saaro isfhan darida ku dhisan dhanka milltiteriga iyo siyaasadda.
“Reer Yurub khalad weyn ayay ku kici doonaan, haddi aaney isku dayin iney dib usoo celiyaan xiriir wanaagsan oo ay la yeeshaan Ruushka” ayuu yiri madaxweynaha dowladda Faransiiska Emmanual Macron.
Madaxweynaha Faransiiska ayaa hadda wada olole ballaaran oo uu ku doonayo inuu kula kulmo madaxda wadamada xubinta ka ah ururka NAATO, si ugu yaraan loo gaaro Isfahan ururka ka saari kara xaaladdda adag ee uu ku jiro.
Hadalka uu jeediyay Macron, waxaa la qaba dowladda Maraykanka oo majaraha u heysa hogaanka dhabta ah ee Naato.
Wasiirka arimaha dibadda ee Maraynka Mike Pompeo ayaa hadal uu jeediyay wuxuu isagana ku sheegay in loo baahanyahay in la hormariyo ururka Naato, haddii kalena uu burburi doono.
“Waxaa waajib ah in la hormariyo isbaheysiga Naato, haddii kale wuu burburi doonaa” ayuu yiri Mike Pompeo.
Dowladda Faransiiska oo ka hadashey warka kasoo baxay madaxweynaha Faransiiska ayaa sheegtay inuu hadalkaas taabanaya xaqiiqda dhabta ah, waxaana wasiirka arimaha dibadda ee Ruushka Lafrof uu ku jees jeesay Macron.
“ ma doonayo inaan ka hadlo dhibaatada caafimaad ee heysta ururka Naato, haddii Macron uu dareemay xaaladda dhabta ah ee Naato, xaq ayuu u leeyahay inuu ka hadlo, isaga ayaa iga yaqaana Naato, sababtoo wuxuu kamid yahay hogaankiisa” ayuu yiri Lafrof.
Aqoonyahannada ka faalooda arimaha Taariikhda ayaa sheegaya in wax weliba oo gardaro lagu dhiso ay maalin un dumi doonaan, sida lagu bartay Taariikhda dowladaha.