Weerar Askar Lagu dilay Oo ka dhacay AF URUR.

Raid on the apostate encampment at Af-Urur – 100KW SW of Bosaso

Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ee ka howlgala wuqooyi bari Soomaaliya ayaa fuliyay howlgal khasaare dhaliyay, kaas oo lala beegsaday ciidamada maamulka Puntland.

Dagaalyahanno katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa weerar ka fuliyay deegaanka Af Urur oo qiyaastii 100 Km ka fog magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Howlgalka ka dhacay Af Urur ayaa isugu jiray duqeymo iyo weeraro toos ah, waxaana khasaare isuga jira dhimasho iyo dhaawac la gaarsiiyay askarta maamulka Puntland.

War kasoo baxay Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab waxay ku xaqiijisay in howlgalkii Af urur ay ku dishey 3 askari, halka ay ku dhaawacday 6 kale, kuwaas oo katirsan maamulka Puntland.

Af Urur waa deegaan muhiim ah oo hoostaga magaalada Boosaaso, waxaana marar badan uu marti geliyay weeraro qorsheysan oo ay milliteriga Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ku xasuuqeen askar badan oo katirsan Puntland.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.