Weerar dad lagu dilay oo ka dhacay wadanka Maraykanka.
Wararka ka imaanaya Maraykanka ayaa sheegaya in dalkaas uu ka dhacay weerar khasaaro dhaliyay oo lala beegsaday dad Ameerikaan ah.
Qof hubeysan ayaa weeraray xarun ganacsi oo ku taalla magaalada Danackan oo dhacda koonfurta gobolka Okalahoma ee Maraykanka, wuxuuna halkaas ku dialy dhowr qof.
Warbaahinta maxalliga ayaa soo tabiyay in weerarkaas ay ku dhinteen ugu yaraan 3 qof oo Maraykan ah.
Qofka fuliyay weerarka ayaa ka baxsaday goobta, waxaana ku daba jooga ciidamada Police-ka oo illaa iyo hadda raadinaya halka uu jaan iyo cirib dhigay.
Weerarada noocan ah ayaa joogta ah Maraykanka, waxaana inta badan fuliya dad careysan, halka weerarada qaarna ay fuliyaan rag keligii duuliyaal ah oo Muslimiin ah.