Weerar Keligii duulnimo ah oo ka dhacay Ingiriiska.
Wararka ka imaanaya wadanka Ingiriiska ayaa ku waramaya in weerar keligii duulnimo ah uu k dhacay magaalada London ee caasimadda wadankaas, kaas oo uu fuliyay qof muslim ah.
Weerarka waxaa lagu dilay ugu yaraan 2 ruux, halka sidoo kale lagu dhaawacay 3 kale, waxaana ugu dambeyntii Police-ku ay toogteen qofkii fuliyay weerarkaas oo lagu magacaabo Cuthmaan Khaan.
Sida ay sheegayaan Police-ka wadanka Ingiriiska, fuliyaha weerarka waa 28 sano jir, sanad kahor ayaana laga sii daayay xabsiyada Ingiriiska oo sanado xiriir ah uu ku xirnaa, isagoo loo heystay waxa loogu yeero eedeymo Argagaxiso.
Ra’iisul wasaaraha Ingiriiska ayaa si caro leh uga hadlay weerarka London, wuxuuna sheegay inaan la qaadan karin iney soo noq noqdaan khaladaadka la xiriira in xabsiyada laga sii daayo dad halis ah ku amniga wadanka, sida uu hadlaka u dhigay.