Xarunta maamulka iyo Saldhiga degmada Afmadow Oo la weeraray.

Ciidamo katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa habeenkii xalay weeraro culus ku qaaday xarunta iyo saldhiga degmada Afmadow uu ku leeyahay maamulka Jubbaland ee uu hogaamiyo Axmed Madoobe.

Dagaalyahanno aad u hubeysan oo katirsan Mujaahidiinta ayaa weeraray xarunta maamulka degmada Afmadow iyo saldhiga ciidamada, waxaana halkaas ka dhacay dagaal culus.

Rasaasta la is weydaarsanayay ayaa si aad ah looga maqlay dhamaan xaafadaha degmada Afmadow, waxayna dadku maqlayeen takbiirta ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

Ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa Idaacadda islaamiga ee Al-Furqaan u xaqiijiyay in ciiidamada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay saacado maamulayeen goobihii ay duulaanka ku qaadeen, walow markii dambe ay isaga soo baxeen.

Lama helin faafaahin ku aadan khasaaraha ka dhashey weerarkii xalay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ka fuliyeen degmada Afmadow oo katirsan gobolka Jubbada Hoose, kuna suganyihiin ciidamada Kenyaatiga.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.