10 Kenyaati ah oo lagu dilay weerar ka dhacay NFD.

Askari Kenyaati ah oo ag fadhiya meydadka dad ay dileen ciidamada Al-Shabaab.

Ciidamo katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa howlgal gaar ah ka fuliyay gudaha dhulka NFD ee ay Kenya xooga ku heysato, howlgalkaas oo lagu dilay muwaadiniin Kenyaati Nasaaro ah.

Wararka ka imaanaya gobolka Wajeer oo kamid ah dhulka NFD ayaa ku waramaya in ciidamo katirsan Muajahidiinta ay wadada u galeen gaari bas ah oo waday rakaab isuga jira Muslimiin iyo gaalo.

Kadib baaritaanno lagu sameeyey dadkii saarnaa gaariga ayay Mujaahidiinta u kala qeybiyeen Muslimiin iyo gaalo, iyadoona ay cadaatay in 10 kamid ah dadkii saarnaa gaariga ay yihiin dad Nasaaro ah.

Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa goobta ku toogtay tobanka ruux ee Nasaaarada ahaa, iyadoona dadkii kale ee Muslimiinta ahaa lasii daayay.

weerarkan ayaa ah kii ugu dambeeyey ee saacadihii lasoo dhaafay ay dhulka NFD ka fuliyeen guutooyinka Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.