26 Ruux oo ku dhintay Duqeymo ka dhacay wuqooyiga Suuriya.

Wararka ka imanaya dalka Suuriya ayaa ku waramaya in maalintii shalay uu dalkaas ka dhacay duqeymo xoogan oo ay fuliyeen diyaarradaha dowladda Ruushka iyo kuwa Nidaamka Bashaar Al-Asad.

Duqeymaha oo ahaa kuwa xoogan oo aan loo meel dayin ayaa ka dhacay deegaannada Macsaraan, Talmanas, iyo Badaama, waxaana ku dhintay dadweyne farabadan oo u badan dumar iyo caruur.

Sida ay soo tabinayaan ragga soo gudbiya wararka Suuriya, waxaa duqeymahaas ku shahiiday ugu yaraan 26 ruux oo u badna dumar iyo caruur, halka ay sidoo kale ku dhaawacmeen tiro kale.

Mar weliba oo uu Ruushku geysto duqeymo noocaan ah wuxuu ku andacoodaa inuu beegsaday dad hubeysan oo katirsan kooxaha kacdoonka, balse xaqiiqda ayaa ah in Ruushku gumaadayo dad shacab ah oo aan waxba galabsan.

Duqeynta RUushka waxay soconeysaa, xilli dowladaha caalamka iyo hay’adaha sheegta iney u doodaan xuquuqda insaanka ay gebi ahanaba ka aamuseen ka hadalka qadiyada Suuriya, waxaana shacabka Suuriya u maqan oo keliya Allaah cazza wajalal, thuma wiilashooda hubeysan.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.