Al-Shabaab Oo la wareegay Deegaan muhiim ah oo dhaca duleedka Gaarisa.

Ciidamo katirsan Al-Shabaab oo ku sugan Laamu.

Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa xalay weerar culus ku qaaday deegaan hoostaga magaalada Gaarisa ee dhulka NFD, oo ah dhul Soomaaliyeed oo ay Kenya xoog ku heysato.

Ciidamada Mujaahidiinta ayaa weeraray saldhiga Police-ka ee deegaanka Dhicise, waxaana halkaas laga eyay ciidamadii Police-ka Kenya, iyadoona deegaanka ay si buuxda ula wareegeen.

Warar la helayo ayaa ku waramaya in ciidamada Xarakada Al-Shabaab ay gudaha u galeen saldhiga Police-ka, halkaas oo ay kasoo daabusheen saanado hub iyo agab muhiim ah, iyagoona markaas kadib dab ku daaray.

War kasoo baxay Taliska ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa lagu yiri “Mujaahidiinta ayaa howlgal ay ka fuliyeen dhulka NFD ee gummeysiga kujira waxay kula wareegeen gacan ku heynta deegaanka Dhicise oo dhaca duleedka degmada Gaarisa, ciidamada saliibiyiinta Kenya ayaa isaga firxaday deegaanka kadib markii ay ubabac dhigi waayeen gulufka Mujaahidiinta”.

Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab waxay dab ku daareen xaruntii shirkadda Safaricom oo ah shirkad ay leedahay dowladda Kenya.

Weli majiro wax war ah oo kasoo baxay dhanka dowladda Kenya oo ku aadan weerarkii xalay ay ciidamada Mujaahidiinta Al-Shabaab ka fuliyeen deegaanka Dhicise oo hoostaga magaalada Gaarisa ee dhulka NFD.

You might also like
1 Comment
  1. Abuufatima says

    Sida umal nin lumayoo
    Ibliis uu lugooyiyoo
    Balo laabta jiiftiyo
    Sandiiq Lee day mooyee
    Libtiin waan ku faraxnaa
    Laabtu way qabaw daa
    Liibaana way tahay
    Lurta kiinya gaadhiyo
    Kafarada ad laysaan
    Laaluush Wadaad cunay
    Cay u idinla laacaa
    Lurba naguma haysee
    Kufri idinma loodshee
    Liibaana oo wada
    Loolan kaad kuhaysaan
    Laamaha ridoobiyo
    Kafada lusuustaa
    Libta waad helaysaan
    Inta Eebe lacnadiyo
    Luqumahad kajarsysaan
    Lusuustaastiyo ximaarada

Reply To Abuufatima
Cancel Reply

Your email address will not be published.