Al Shabaab oo War Kasoo Saartay Qaraxii Ex.control Afgooye Tacsina Udirtay Shacabkii Ku Dhintay [dhageyso].
Afhayeenka Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab Sheekh Cali Maxamuud Raage (Sheekh Cali Dheere) ayaa ka hadlay qarixii dhawaan ka dhacay Ex Contarol Afgooye, kaasoo uu khasaare kasoo gaaray ajaanib iyo dad shacab ah oo goobta ka ag dhawaa.
Wuxuu sheegay in qaraxaas ay la beegsadeen Kolonyo isugu jirta Turki iyo maleeshiyaat Soomaali ah islamarkaana uu khasaare lixaad leh kasoo gaaray. Sidoo kale wuxuu xaqiijiyay in qaraxaas uu khasaare isugu jira dhimasho, dhaawac iyo burbur hantiyeed kasoo gaaray dad shacab ah oo qaraxaas la kulmay xilli ay wadada marayeen.
Afhayeenka ayaa taczi udirayn ehelladii ay ka baxeen dadkii shacabka ahaa ee ku dhintay qaraxii Ex.Control wuxuu sheegay in dadkaas dhintay ay yihiin Shuhaddo wuxuuna Alle uga baryay in uu shahaadadooda ka aqbalo.
Xarakada Al Shabaab ayaa dowladda Federaalka ku eedaysay in gaadiidka shacabka ay ka dhigatay gabaad kadib markii isgoys ciriiri badan gaadiid shacab ku xayirtay, Shabaabul Mujaahidiin waxay markale caddeysay in aysan banaysan dhiigga muslimiinta marwalbana ku dadaasho sidii ay u ilaalin laheyd dhiigga shacabka marka ay weerarada ka fulinayso goobaha cadowgu joogo.