Al-Shabaab Oo weeraray kontoroolka Siinka Dheer ee duleedka Muqdisho.
Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa habeenkii xalay waxay weerar culus ku qaadeen kontoroolka Siinka dheer oo ay deganyihiin ciidamo katirsan kuwa dowladda federaalka gaar ahaan kuwa PS-ta.
Dagaalka ayaa ahaa mid culus oo la isku adeegsaday hubka fudud iyo midka dhexe, waxaana la maqlayay takbiirta ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.
Goobjoogayaal ku sugan nawaaxiga halka uu dagaalka ka dhacay ayaa soo sheegay in dagaalka uu socday in muda ah, islamarkaana ciidamda Mujaahidiinta Al-Shabaab ay rasaas ada huwiyeen difaacyada ciidamada dowladda federaalka.
Inkastoo la rumeysanyahay inuu jiro khasaare gaaray ciidamada dowladda federaalka, hadana ma jiro faafaahin rasmi ah oo aan helnay.
Ciidamada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa sii xoojiyay weerarada ay la beegsanayaan ciidamada dowladda federaalka iyo kuwa Shisheeyaha ee ku sugan qeybo kamid ah dalka Soomaaliya.