Askar Burundi ah Oo lagu dilay Qarax ka dhacay Shabeellaha Dhexe.

Qarax ka dhacay degmada Mahaddaay ee gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa ku waramaya in qarax xoogan lala eegtay ciidamo katirsan kuwa Burundi ee duulaanka ku jooga gobolkaas.

Qaraxa ayaa haleeley ciidamada Burundi xilli ay ku socdaalayeen Mahaddaay, waxaana inta haatan la xaqiijiyay ku dhintay 2 askari oo Burundi ah, halka uu ku dhaawacmey mid kale.

Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa sheegatay masuuliyadda howlgalkan, kaas oo ku daba feylaya silsilado howlgallo ah oo gobolka Shabeellaha dhexe ku beegsanaya Shisheeyaha.

Weerarkan qarax ah ayaa yimid, iyadoo ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay duulaan toos ah ku qaadeen saldhiga Shisheeyaha ee deegaanka Arbacow, lamana oga khasaaraha ka dhashey dagaalkaas.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.