Weerar Khasaare dhaliyay oo ka dhacay saldhig ciidan oo ku yaala wadankaas.

Wararka ka imaanaya wadanka Maraykanka ayaa ku waramaya inuu dhacay weerar khasaare dhaliyay oo ka dhex dhacay saldhig ay ciidamada Maraykanku leeyihin oo ku yaala gobolka Florida.

Askari katirsanaa maamulka Aala-sucuud oo qaadanayay tababar dhanka duuliyanimada ah ayaa lagu soo waramayaa inuu rasaas la dhacay askar Ameerikaan ah ay isku meel joogeen.

Wuxuu goobta dhigay meydadka 3 askari oo Maraykan ah, halka uu dhaawacay 7 askari, iyadoona markii dambe ciidamada Maraykanku ay rasaas la dheceen askarigii Aala-Sucuud, oo ugu dambeyn halkaas ku geeriyooday.

Weerarka ayaa ka dhacay saldhiga Pensacola oo kamid ah saldhigyada ay deganyihiin ciidamadda badda ee Maraykanka, waxaana askariga katirsanaa maamulka Aala-Sucuud uu rasaaseeyey ciidamo Maraykan ah oo xilligaas goob wada fadhiyay.

Boqorka maamulka Aala-Sucuud Salmaan bin Cabdil Caziiz ayaa durba ka tacsiyeeyey weerarkaas, waxaana uu khadka teleefanka kula hadlay madaxweynaha Maraykanka Donald Trump.

Saraakiisha Maraykanka ee ka hadlay weerarkan ayaa sheegaya iney suuragal tahay in askarigan uu aaminay afkaarta waxay ugu yeereen “xagjirka” oo ay ula jeedaan Jihaadka, waxaana saraakiisha FPI-da Maraykanka ay wadaan baaritaanno ku aadan arinkaas.

Waa weerarkii labaad oo todobaad gudihiisa ka dhaca saldhig ku yaala wadanka Maraykanka, dhawaan ayaa weerar ka dhacay wadankaas waxaa lagu dilay 3 askari oo Maraykan ah, waxaana weerarkaas fuliyay askari Ameericaan ah.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.