Askari katirsan DF oo Muqdisho ku dilay qof Haweeney ah.

Magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya waxaa ka dhacay fal dil bareer ah oo uu geystay askari katirsan ciidamada dowladda federaalka.

Dilkan ayaa ka dhacay degmada Dayniile ee gobolka Banaadir, waxaana askariga uu u geystay qof haweeney ah oo kamid ahaa dadka degmada.

Haweeneyda uu askariga dilay waxaa lagu magacaabaa Hani Ismaaciil Yuubane, waxaana uu askariga u dialy si bareer ah, iyadoo aaney jirin wax uu ku heystay.

Askariga ayaa dilka kadib goobta isaga tagay, isagoo aanu ku jirin wax  cabsi ah oo la xiriira in gacanta lagu dhigi doono.

Askarta dowlada federaalka oo isticmaala maandooriyaasha noocyadooda kala duwan ayaa marka ay soconayaan waxaa u ballaqan amaanka, iyagoo hadba dhinac u rogaya qoriga, cidii ay u arkaan iney dilaanna iska dila.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.