Ciidamada Kenya Oo lagu weeraray Qooqaani.
Saqdii dhexe ee xalay, ciidamo hubeysan oo katirsan milliteriga Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa weerar culus ku qaaday saldhig ay ciidamada Kenya ku leeyihiin deegaanka Qooqaani ee dhaca gobollada Jubbooyinka.
Ciidamada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa garneellada garbaha laga tuuro iyo rasaas culus la dhacay difaacyada ciidamada Kenyaatiga iyo kuwa maamulka Jubbaland ee deegaanka Qooqaani, oo kamid ah deegaannada hoostaga degmada Afmadow ee Jubbooyinka.
Dagaalka ayaa in muda ah socday, waxaana goobjoogayaal ay soo sheegayaan iney maqlayeen takbiirta ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab oo ka dagaallamaya afaafka hore ee saldhigyada ciidamada Kenya ee kamid ah Shisheeyaha duulaanka ku jooga Soomaaliya.
Lama oga khasaaraha gaaray ciidamada Kenyaatiga iyo askarta maamulka Jubbaland ee uu hogaamiyo Axmed Madoobe, waxaana weerarkan uu noqonayaa kii labaad oo toban maalmood gudahood lagu qaado Kenyaatiga xooga ku heysta Qooqaani.