Ciidamada Shisheeyaha Oo lagu weeraray Jubbooyinka iyo Shabeellaha Hoose.

Habeenkii xalay, waxaa gobollada Jubbada hoose iyo Shabeellaha hoose ka dhacay weeraro qorsheysan oo ay fuliyeen ciidamo katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, kuwaas oo lala beegsaday ciidamada Shisheeyaha Uganda iyo Kenya ee duulaanka ku jooga dalkeena.

Deegaanka Arbacow oo dhaca duleedka Ceelasha biyaha ayaa lagu weeraray ciidamada Shisheeyaha Uganda, waxaana dagaalka uu ahaa mid culus oo in muda ah soconayay.

Goobjoogayaal waxay soo sheegeen in ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay weerarka u adeegsadeen hubka cul culus ee garbaha laga gano, iyadoona la arkayay holac ka baxaya saldhiga ciidamada Shisheeyaha.

Weerar kaas lamid ah waxaa lagu qaaday saldhiga ay ciidamada Kenya ku leeyihiin deegaanka Kulbiyow ee Jubbada hoose, waxaana weerarka uu ahaa mid culus.

Guutooyin katirsan milliteriga Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa weerarka qaaday, waxaana ay ka dagaallameen afaafka hore ee saldhiga ciidamada Kenyaatiga.

Lama oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashey labadan duulaan, balse waxaa la rumeysanyahay inuu jiro waxyeelo gaartay ciidamada Uganda iyo kuwa Kenya.

Labadan dowladood waxay kamid yihiin dowlado ka qeyb qaadanaya duulaanka uu reer galbeedku taageeraayo ee lagu soo qaaday Soomaaliya, waxaana ciidamadooda ay si joogta ah ula kulmaan weeraro kaga yimaada dhinaca ciidamada Xarakada Al-Shabaab.

Waxay sidoo kale kusoo aadeen, iyadoo dhawaan booqasho qarsoodi ah uu gobolka Jubbada hoose ku yimid taliyaha ciidamada Kenya, kaas oo niyada u dhisayay askartiisa, sidoo kalena kala qeybgalayay munaasabadda ciida Kirismiska.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.