Ciidamada Shisheeyaha Oo qof Beeraley ah ku dilay Shabeellaha Hoose.

Ciidamada Shisheeyaha ee duulaanka ku heysta qeybo kamid ah gobolka Shabeellaha Hoose ayaa duqeymo xoogan ku garaacay deegaanno nabdoon oo u dhow halka ay ku suganyihiin.
Askarta Uganda ee heysata Danow ayaa madaafiic ku garaacay deegaanno ay ku noolyihiin dad beeralay ah oo hoostaga degmada Jannaale ee gobolka Shabeellaha Hoose.
Tuulada Wagaadi ayaa waxaa ku dhacay dhowr madfac oo ay tuureen askarta Shisheeyaha, waxaana ku dhintay qof beeraley ah oo lagu magacaabo Siidow Maxamed, oo xilligaas joogay beertiisa.
Shisheeyaha duulaanka ksuoo qaaday Soomaaliya ayaa geysanaya tacadiyaad aan dhamaad lahayn, waxaana falalka ay geystaan kamid ah dilal bareer ah.