Daawo Sawirro: Mareykanka oo Duqeyn Uu Ka Geystay Sh/Hoose Ku Dilay Ganacsade Caan Ah & Geel Badan.
Faahfaahin ayaa kasoo baxaysa duqeymo arxan darro ah oo ay diyaaradaha Mareykanku ka geysteen gobolka Shabeelaha Hoose, shalay casar-liiqii iyo xalay fiidkiiba.
Dueymahan oo ka dhacay degaanka Kuunyo Barrow oo hoos taga degmada Baraawe ayaa waxaa lagu beegsaday ganacsade caan ka ahaa degaanka, iyadoo sidoo kale lagu laayay Geel badan, qaarna lagu dhaawacay.
Ganacsadaha oo lagu magacaabi jira Kuusow Xaaji Maxamad Yuusuf ayaa xilligii la duqeynayay kusii jeeday magaalada meel u dhow oo loogu ilaaliyo xoolo, gaar ahaan ari, waxaana isaga iyo gaarigiisaba lagu garaacay dhowr gantaallo. Gaariga noociisu wuxuu ahaa Caasi.
Muuqaalka ganacsadaha oo aan sawirro kasoo qaadnay ayaa waxaa ka muuqanaya dhibaato badan, waxaana aaskiisa ka qeyb galay dad u badan qaraabadiisa oo uu hormuud u ahaa Suldaanka Beesha Tunni.
Kuusow wuxuu ifka kaga tagay sadax xaas iyo 12 caruur ah, sida ay eheladiisa inoo sheegeen, isagoo kamid ahaa ganacsatada isaga kala goosha Muqdishi, Kismaayo iyo gobollo kale.
Sidoo kale Mareykanka ayaa duqeymahan ku beegsaday xoolo badan gaar ahaan Geel, waxaana inta ay saxaafaddu indhaheeda ku aragtay ay dileen 11 Neef, halka ay dhaawaceen 15 kale.
Dadka ehelka la ah ganacsayadaha iyo kuwa Geelooda la laayay ayaa sheegay in duqeymahan ay u arkaan kuwa cadawtooyo oo uu Mareykanku ugu bareeray, waxayna wax laga xumaado ku tilmaameen sheegashada Mareykanka ee ah inuu weeraradan ku dilay 4 sarkaal oo kamid ah Xarakada Al-Shabaab.
Waa ganacsadihii sadaxaad ee uu Mareykanku sannadkan gudihiisa ku dilo degaanka Kuunyo Barrow ee gobolka Shabeelaha Hoose. 26 June ayay ahayd markii ay gaarigiisa ku beegsadeen ganacsade Abow Waardiyoow, waxaana xigay ganacsade kale oo Ismaaciil la oran jiray.
Hoos Ka Daawo Sawirrada..
Waxaa uu gumaad iyo dili iyo gaal xad gudub gaysan
Geeleena daaqiyo gubayey beer teena
Gaws Kay kahaysteen hadana waw garaabaane
Wadaad xume gumaysiga watiyo gaal Maraykaana
Waste gate kuwii dhiiga guray Sawma garanaysid