Dagaal Gawaari lagu qabsaday, Askarna lagu dilay oo ka dhacay Shabeellaha Dhexe.

Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa ku waramaya in la jebiyay dhaq-dhaqaaq ciidan oo ay wadeen askar katirsan kuwa dowladda federaalka ee ku sugan qeybo kamid ah gobolkaas.

Ciidamo katirsan dowladda federaalka ayaa saaka kasoo dhaqaaqey deegaanka Xaaji Cali oo hoos yimaada degmada Cadalle, waxaana ay soo aadeen deegaanno halkaas u dhow oo ay doonayeen iney arbushaad ka geystaan.

gelinkii hore ee maanta ayaa waxaa lala eegtay qarax culus, waxaana qaraxaas waxyeello kasoo gaartay gaari nooca Cabdi bile ah, iyadoona ciidamadii saarnaa ay dhimasho iyo dhaawac noqdeen.

Gelinkii dambe ee maantana waxaa dhacay dagaallo xoogan oo dhexmaray ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab iyo kuwa dowladda federaalka.

Dagaalka waxaa lagu jebiyay ciidamada dowladda federaalka, waxaana lagu soo celiyay halkii ay ka duulaan tageen oo ah deegaanka Xaaji Cali, iyadoo laga reebtay gawaari dagaal iyo kuwa caafimaad oo muhiim ah.

Warar lagu kalsoonyahay waxay xaqiijinayaan in Mujaahidiinta ay gacanta ku dhigeen gaari gaashaman oo Taw ah, iyo mid kale oo haartoob ah, kaas oo ay dawooyin ku wateen ciidamada dowladda federaalka.

Waxaa jira khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh oo gaaray ciidamada dowladda ee dhaq-dhaqaaqa waday. wixii soo kordhana waan soo gudbin doonnaa Inshaa Allaah.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.