Dhegeyso Ehelada Ganacsada Maraykanku dilay iyo dad uu geel ka laayay.
Ehelada Ganacsade Kuusow Xaajji Maxamed Yuusuf oo Dowladda maraykanku dorraad galab dishay duleedka deegaanka kuunyo barrow ee Gobalka Shabeelaha hoose ayaa muujiayay sida ay ugu murugeysan yihiin dilkaas Maraykanku ku faanay.
Waxay sheegeen in kuusow xaajji uu ku ekaa shaqada gancsiga wax raad ahna aanuu lahayn warka Maraykanka ah in uu Sarkaal Alshabaabaka tirsan dilay.
Iyagoo ka qayb gelayay aaska gancsadaha ayay sheegeen in kuusow dulmi iyo gardarro lagu dilay.
Sidoo kale Milmkiilayaasha 11 oo geel ah oo maraykanku dilay iyo 15 uu dhaawac ayaa sheegaya in cadawtooyo darteed xoolahooda loo laayay.
Waxay warbaahinta la hadleen xilli ay qalayeen qaarka qark mid ah geela oo ay nolol silic ah ku gaareen.
Ehelada Ganacsade Kuusow Xaajji Maxamed Yuusuf oo dowladda Maraykanku dorraad galab ku dishay duleedka deegaanka Kuunyo Barrow ee Gobalka Shabeelaha hoose ayaa muujiayay sida ay ugu murugeysan yihiin dhacdadaasi.
Waxay sheegeen in Kuusow Xaajji uu ku ekaa shaqada gancsiga wax raad ahna aanuu lahayn warka Maraykanka ee ah in uu Sarkaal Al-Shabaabaka tirsan dilay.
Iyagoo ka qayb gelayay aaska gancsadaha ayay sheegeen in Kuusow dulmi iyo gardarro lagu dilay.
Sidoo kale Milmkiilayaasha 11 oo geel ah oo Maraykanku dilay iyo 15 uu dhaawac ayaa sheegaya in cadawtooyo darteed xoolahooda loo laayay.
Waxay warbaahinta la hadleen xilli ay qalayeen qaarka qark mid ah geela oo ay nolol silic ah ku gaareen. Mareykanka iyo warbaahinada ku olloga ah ayaa dhacdadan ku tilmaamay in lagu dilay saraakiil Al-Shabaab ah.
Bishii October ee lasoo dhaafay ayay ahayd markii hey’adda Amnest International ay soo saartay warbixin ay kusoo bandhigtay caddeymo badan oo muujinaya dad rayid ah oo uu Mareykanku laayay.
Halkaan ka dhegeyso ehelada ganacsade maraykanku dilay iyo milkiilayaasha geel uu laayay