Howlgal Burcad lagu dilay oo ka dhacay Mudug.

Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ee ka howlgala gobolka Mudug ayaa fuliyay howlgal si gaar ah loogu beegsaday kooxo burcad ah, oo dadka iyo gaadiidkaba baarta.

Howlgalkan wuxuu ka dhacay deegaan lagu magacaabo Xiin-Labi oo katirsan gobolka Mudug, waxaana lagu weeraray kooxo burcad ah oo joogay goob isbaaro ah.

Wararka kusoo dhacaya Idaacadda islaamiga ee Al-Furqaan ayaa xaqiijinaya in lagu dilay howlgalkaas ugu yaraan 3 askari, sidoo kalena lagu soo furtay 3 qori.

Kooxihii burcadda ahaa ayaa markii ay la kulmeen weerarka ka cararay goobta, waxaana firxadkooda ka daba tagay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

Wilaayada islaamiga ee Mudug waxay kamid tahay wilaayaadka ay qeybo kamid ah ka taliso Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.