Howlgallo Khasaare dhaliyay oo ka dhacay Jubbooyinka iyo Shabeellaha-Dhexe.

Ciidamada Milliteriga Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa habeennimadii xalay iyo saaka waxay weeraro khasaare dhaliyay ka fuliyeen gobollada Jubbooyinka iyo Shabeellaha Dhexe.

Habeenkii xalay, ciidamo katirsan Mujaahidiinta ayaa weeraray saldhigyada ciidamada maamulka Jubbaland ku leeyihiin degmada Afmadow ee gobolka Jubbada Dhexe.

Waxaa halkaas ka dhacay weerar in muda ah socday, oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, iyadoona ciiidamada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay ku guuleysteen iney difaacyada qaar la wareegaan.

Dhanka kale, weerar ayaa aroornimadii hore ee saaka lagu qaaday isbaaro ciidamada Dowladda federaalka u taalla duleedka deegaanka Qalimow ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Weerarka waxaa lagu dilay askari, mid kalena waa lagu dhaawacay, waxaana ciidamada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay soo qaateen mooto ay lahaayeen ciidamada dowladda federaalka.

Howlgallada ay fuliyaan ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab waxaa kamid ah kuwa burcad sifeyn ah oo inta badan lagu beegsado baraha isbaarooyinka ay dhigtaan ciidamada dowladda federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.