Inkabadan 10 ruux oo ku dhintay duqeymo ka dhacay Suuriya.

Masjid uu Maraykanku horey ugu burburiyay Suuriya.

Diyaaradaha dowladda Ruushka ayaa duqeymo xoogan oo khasaare dhliyay ka geystay deegaanno katirsan wuqooyiga Suuriya, halkaas oo ay maamulayaan kooxaha Kacdoon wadayaasha.

Duqeyn diyaaradeed oo ka dhacday suuqa Al-Haal ee bartamaha magaalada Macarratu Nucmaan oo katirsan gobolka Idlib ayaa dhalisay khasaare ba’an oo gaaray dadka shacabka ah.

Ugu yaraan 13 ruux ayaa lagu soo waramayaa iney geeriyoodeen, halka ay dhaawacmeen tiro intaas kudhow, waxaana ku jira dadka dhintay caruur iyo dumar.

Duqeymahan ayaa kusoo aaday, xilli gobolka Idlib uu ka soconayo dagaal xoogan oo dhexmaraya Jamaacaadka Jihaadiga iyo ciidamada Nuseyriyada oo taageero ka helaya Ruushka iyo Rawaafida.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.