Inkabadan 20 ruux oo ku dhintay dab ka kacay Warshad ku taalla Suudaan.

Wararka ka imaanaya wadanka Suudaan ayaa ku waramaya in dab xoogan uu ka kacay warshad ku taalla magaalada caasimadda ah ee Al-Khardhuum.

Ugu yaraan 23 ruux ayaa la xaqiijiyay geeridooda, halka ay dhaawacmeen tobanaan kale, kadib markii uu warshaddu ka kacay qarax ka dhashey gaari dejinayay shidaal oo ku jiray dhismaha Warshadda.

Sarkaal katirsan Police-ka magaalada Al-Khardhuum oo warbaahinta la hadlay ayaa shaaca ka qaaday in qaraxa uu ahaa mid xoogan, islamarkaana dhaliyay burbur iyo khasaare nafeed.

Ilaha caafimaadka ee magaalada Al-Khardhuum waxay soo sheegeen iney jiraan dhaawacyo ay xaaladooda la tacaalayaan oo si adag ugu gubtay holaca ka dhashey qaraxa.

Dadka dhintay ayaa lasoo sheegayaa iney isuga jiraan jinsiyado kala duwan, mana jirto wax war ah oo kasoo baxay warshada uu qaraxa ka dhex dhacay oo sameysa walxo lagu magacaabo Ceremac.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.