Itoobiya Oo saldhig milliteri ka dhisaneysa Badda Cas.

Wargeys kasoo baxa wadanka Itoobiya ayaa shaaca ka qaaday in dowladda Itoobiya ay go’aamisay in saldhiga ugu horeeya ee ay yeelanayaan ciidamada badda ee wadankaas laga dhisi doono wadanka Jabuuti.

Wargeyska Capital ayaa shaaca ka qaaday in la go’aamiyay in taliska ciidamada badda ee Itoobiya la dejiyo gobolka Bahar Dar, ciidamadana saldhig looga sameeyo wadanka Jabuuti.

Bilooyinkii lasoo dhaafay waxaa jiray dood iyo gorfeyn joogta ah oo ay waday xukuumadda Itoobiya, waxaana ugu dambeyntii ay isku raaceen iney saldhig ka sameystaan badda Cas.

Abey Axmed oo ah ra’iisul wasaaraha Itoobiya ayaa booqasho uu ku tagay wadanka Jabuuti, wuxuu la kulmay madaxweynaha wadankaas Ismaciil Cumar Geelle, iyagoona isla gartay in Itoobiya ay saldhig milliteri ka sameysato wadanka Jabuuti.

Sida uu sheegayo wargeyska Capital oo soo xiganayo ilo xog ogaal ah, dowladda Faransiiska ayaa Itoobiya ku taageereyso dadaalladeeda ku aadan dhisida ciidamadeeda badda, waxaana hadda Faransiiska lagu tababarayaa cutubyo katirsan ciidamadda badda ee Itoobiya.

Arintan ayaa kusoo aadeysa, xilli dowladda federaalka ee uu hogaamiyo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu dowladda Itoobiya u saxiixay 4 dekadood oo ku yaala wadanka Soomaaliya, waxaana ciidamadda hadda la tababarayo ee Itoobiyaanka ah la doonayaa in lagu wareejiyo badahaas.

Waxaa aad la isku weydiinayaa sababta keeni karta in dowladda Itoobiya ay dhisato ciidamo dhanka badda ah, iyadoo la ogyahay in wadankaas aanu lahayn wax bad ah, balse dowladda Itoobiya ayaa ku rajo weyn iney gacanta ku dhigto guud ahaan Soomaaliya oo ah dhul barwaaqo sooran ah, lehna dhul xeebeed ballaaran.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.