Kabtan katirsan Milliteriga DF Oo Muqdisho Lagu dilay.

Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ee ka howlgala magaalada Muqdisho ayaa toogtay sarkaal sare oo katirsan Dowladda federaalka.

Hawlgalkan ayaa wuxuu ka dhacay degmada Dharkeenley ee gobolka Banaadir, waxaana lagu khaarajiyay Maxamad Cumar Guutaale oo ay darajadiisu ahayd Kabtan. Raggii hawl galkan fuliyay ayaa muddo dhowr daqiiqo ah kor taagnaa meydka sarkaalka si ay u hubiyaan inuu dhintay iyo in kale.

Goor dambe ayaa waxaa halka uu dilka ka dhacay soo gaaray ciidamo katirsan dowladda federaalka, kuwaas oo qaaday meydka kabtanka katirsan saraakiisha ciidamada dowladda.

Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa sheegatay masuuliyadda weerarkan, wuxuuna qeyb ka yahay silsilado howlgallo ah oo Muqdisho ku beegsanaya saraakiisha, xubnaha iyo askarta dowladda federaalka.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.