Kamiin Askar lagu dilay oo ka dhacay duleedka Maxaas.
Ciidamo katirsan milliteriga Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa duleedka degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan waxay kamiin ugu dhigeen askar katirsan maamulka Hir Shabeeelle ee gobolkaas ku wehlinaya askarta Itoobiya iyo kuwa Jabuuti.
Weerarka kamiinka oo ahaa mid culus, markii dambena isku bedelay dagaal fool ka fool ah ayaa socday in muda ah, waxaana la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.
Ugu yaraan 3 askari oo katirsan ciidamada maamulka Hir Shabeelle ayaa lagu dilay weerarka kamiinka ah, waxaana ciidamada Mujaahidiinta ay soo furteen gaari BG ah, iyo hub milliteri.
Gobolka Hiiraan, waxaa marar badan lagu fara saaray ciidamamada maamulka Hir Shabeelle, waxaana ciidamada Mujaahidiinta ay inta badan ugaarsadaas Shisheeyaha iyo askarta ku daaban marka ay isaga kala gooashayaan goobaha ay ka joogaan gobolkaas.