Kamiin Askari lagu dilay, Gaarina lagu furtey oo ka dhacay duleedka Baydhabo.

Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa weerar kamiin ah u dhigay ciidamo katirsan kuwa maamulka Koonfur galbeed oo ku safrayay wadada xiriirisa magaalada Baydhabo iyo degmada Buurhakabo ee gobolka Baay.

Kamiinka oo ahaa mid culus waxaa lagu dilay hal askari, iyadoo sidoo kale ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay ku furteen hub iyo gaadiid dagaal.

Gaari qooqan ah iyo hub ciidan ayay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab kula wareegeen kamiinka, waxaana ciidamadda maamulka Koonfur galbeed ay ka carareen goobta iyagoo wata meydka askari.

Wuxuu kusoo aaday kamiinka, xilli maalintii shalay kamiin ka dhacay duleedka Maxaas lagu dilay ciidamo katirsan maamulka Hir Shabeelle, sidoo kalena ay Mujaahidiintu ku furteen gaari nooca BG ah.

 

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.