Kenya oo Loo Doortay Hogaaamiyaha Badaha Afrika.

Shir ay wadanka Ingiriiska ku yeesheen qolyaha isku magacaabay Ururka Caalamiga ah ee Badaha ayaa lagu doortay Golaha maamulaya Ururkaas. Ururkan oo ay xubno ka yihiin dhamaan dalalka leh Xeebaha iyo kuwa ku dhow ayaa waxaa doorashadiisa lagu qabtay Magaalada London ee caasimadda wadanka Ingiriiska, iyadoo Kenya loo doortay Hogaamiyaha Ilaaliyaha Badaha Bariga Afrika.

Shirka ayaa waxaa laga sheegay in Kenya ay jagadan uga wakiil tahay dalalka dhaca Bariga Afrika ee kala ah: Soomaaliya, Ethiopia, Burundi, Democratic Republic of Congo, Djibouti, Eritrea, Kenya, Rwanda, Somalia, South Sudan, Tanzania iyo Uganda. Nancy Karigithu, oo ah haweeneyda ku magacaaban Wasiirka Badaha ee Kenya, ayaa ku faantay in tani ay fursad weyn u tahay dalkeeda iyo dadkeena, una suura gelineyso in ay qeyb ku yeelato maamulidda iyo go’aan ka gaaridda arrimaha Badaha Caalamka.

Arrintan ayaa waxay kusoo hagaagtay iyadoo xukuumadda Nairobi ay xusul duub ugu jirto sidii ay u qaadan lahayd qeyb kamid ah Badda Soomalaiya oo laga helay Shidaal Badan, waxaana xusid mudan in Wasiirka Arrimaha Dibadda ee dalkaas ay dhawaan sheegtay in ay arrintan si hoose u wada dhammeyn doonaan iyaga iyo Farmaajaha hogaamiya DF.

Siyaasiyiinta xog ogaalka ah ayaa sheegaya in sababta Kenya loogu doortay hogaanka Badaha Bariga Afrika iney tahay arrin qeyb ka ah sidii loo dhici lahaa Badda Soomaaliya. Waxaana arrintan lagu micneeyay (Dhurwaagii Ariga La Raaciyay).

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.