Khilaafaad soo kala dhexgalay Madaxda wadanka Itoobiya.
Wasiirka Difaaca Itoobiya ninka lagu magacaabo Lima Migersa, oo ah saaxiibka ugu weyn ee Raiisel wasaare Abe Ahmed, ayaa jimcihii dhaleeceeyay qorshaha uu ugu beddelayo Isbahaysigii EPRDF ee Itoobiya maamulayay hal xisbi oo qura, taasi oo muujineysa kala qeybsanaan muuqata ka hor doorashada qorsheysan in la qabto sanadka danbe ee 2020-ka.
Lima ayaa muujiyay in siyaasadda Ra’iisulwasaarahoodu tahay mid aad u liidata oo aysan aqbali karin, dhibaatana ku tahay wadanka iyo muwaadiniinta. Waxaa Xusid mudan in fakarkan ay qabaan Wasiiro kale iyo siyaasiyiin ku dhaqan dalkaas.
“Waxaan qabay fikir taas ka duwan markii ay bilowdeen wadahallada mideynta EPRDF, xittaa haddii ay taasi dhacayso ma ahan in si degdeg ah loo sameeyo.” Ayuu yiri Lemma.
Aby oo ay dhowr bilood ka hor buunbuuniyeen reer galbeedka islamarkaana siiyeen waxa loogu yeeray Billadda Nabadda ayaa qorsheynaya in isbahaysiga EPRDF laga guuro, loona hayaamo xisbi kali ah. Mowqifkan ayaa waxaa kale oo kasoo hor jeestay Xisbiga Xoreynta Tigreega ee TPLF, kaasi oo ahaa xisbi gudaha dalka awood badan ku lagaa waqtigii uu talinayay hogaamiyihii geeriyooday Meles Zenawi.
Falanqeeyeyaasha ayaa sheegaya in kala qeybsanaanta banaanka usoo baxday ee u dhaxeysa siyaasiyiinta ugu miisaanka culus dalka ee ka soo jeeda qowmiyadda Oromo ay soo kordhin karto hubanti la’aanta siyaasadeed ee doorashada bisha May ee sanadka danbe la qorsheeyey, taasna ay dhaawacayso ajnadaha dib u qaabeynta dalkaasi ee uu wado Ra’isulwasaare Abey.
Lemma oo ah ninka haatan xabadka u garaacanaya Abey ayaa horey usoo noqday madaxweynaha gobolka ugu ballaaran uguna dadka badan ee Oromia.
Aby oo qudhiisa ka soo jeeda gobolkaas ayaa awoodda dalka la wareegay bishii April ee 2018-kii ka dib banaanbaxyo dowladda looga soo horjeeday oo qowmiyadaha Oromo iyo Amhara ay halkaasi ka wadeen muddo laba sano ah.
Itoobiya ayaa haatan aad u ligliganaysa waxaana siyaasiyiin badan oo wax ka qoray ay sheegayaan in ay qarka u saaran tahay iney maamul goboleedyo u kala burburto, laakin arrinta la yaabka leh ayaa waxay tahay itoobiya oo xaalkeedu sidaa yahay iney dabacsanaan iyo gacaltooyo dhammeystiran ka heleyso madaxda DF, kuwaasoo u saxiixay afar Dekedood, dhawaana la galay heshiis hoose oo aan qodobadiisa si rasmi ah loo shaacin.