Kudhawaad 2000 oo Xoolo Zako ah oo laga qeybiyay deegaanno hoostaga Baraawe.(Sawirro)

Wilaayada islaamiga ee Shabeellaha Hoose ayaa deegaanno hoostaga degmada Baraawe waxay ka qeybisay Zakada xoolaha Nool, kuwaas oo ay ka faa’ideysteen boqollaal ruux.

1819 neef oo isuga jira Ari, Lo’ iyo Geel ayaa laga qeybiyay deegaanno hoos yimaada degmada Baraawe ee gobolka Shabeellaha Hoose, waxaana loo qebiyay dad cadadoodu gaareyso 520 ruux oo metalayay qoysas ballaaran.

1500 oo neef oo Ari ah ayaa loo qeybiyay dad cadadoodu gaareyso 250 qof, kuwaas oo toban kamid ah la siiyay min 30 Neef oo ari ah.

Geela la qeybiyay wuxuu tiradiisu gaaraya 229 oo Neef, waxaana jira dad la siiyay min shan neef oo geel ah.

Lo’da la qeybiyay waxay tiradiisu gaareysaa 90 Neef, waxaana ka faa’ideystay 45 qof.

Wariyaal katirsan Idaacadda islaamiga ee Al-Furqaan ayaa ka qeybgalay qaar kamid ah munaasabadaha lagu qeybinayay Xoolahan, waxayna kasoo qaadeen sawirradan.

 

                    

 

 

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.