Maamulka Aala-Sucuud oo Diiday Inuu Aqbalo Safiirka DF.

Bin Salmaan; dhaxalsugaha Aala-Sucuud

Dowladda Sucuudiga ayaa diiday iney aqbasho safiirka DF u fadhiya wadankaas oo la magacaabay muddo laga joogo shan bilood, waxaana soo baxaya warar kala duwan oo ku saabsan sababta ka dambeysa arrintan iyada ah.

Madaxweynaha DF, Maxamad Cabdullaahi Farmaajo ayaa bishii May ee sannadkan, safiirka dalka Sucuudiga u magacaabay Cabdi Xakiin Xassan Ashkir, waxaana tan iyo xilligaas uusan wax aqbalaad ah.

Sida caadiga ah, dowladuhu waxay safiirada loo magacaabo dalalkooda uga soo jawaabaan muddo 90 cisho ah, balse haddii xilligaasi la dhaafo waxaa cad in la diiday safiirkaas marka loo eego luqadda Diblumaasiyadda.

Arrinta kale ee la yaabka leh ayaa waxay tahay in DF, ay marar badan wuxuuf u dirtay dalkaas, hase ahaatee lagu soo gacan-seyray, waxaana u dambeeyay Wasiirka Arrimaha Dibadda oo maalmo ka hor halkaa tagay.

Dowladda Federalka ayaa waxaa naas niijisa dowladda Qadar oo iney dhinacyo badan kala shaqeyso dowladda uga wakiil ah Mareykanka, waana midda keentay in Sucuudigu uu il guduudan ku eego dowladda fadhigeedu yahay Muqdisho.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.