Macallin Dugsi Qur’aan Oo Wallaweyn Lagu dilay.

Malleeshiyaad hubeysan oo u abaabulan hab qabiil, kana tirsan dowladda federaalka ayaa degmada Wallaweyn ee gobolka Shabeellaha Hoose waxay ku dileen macallin dugsi Qur’aan oo kamid ahaa macallimiinta degmada.

Macallin Cismaan Cirbad oo dugsi Qur’aan ku fadhiyay degmada Wallaweyn ayaa malleeshiyaad ku hubeysan qoriyaasha AK 47 waxay u geysteen toogasho bareer ah.

Goobjoogayaal ku sugan Wallaweyn ayaa sheegay iney u badinayaan in macallinka loo dilay aanooyin qabiil, oo inta badan ka dhaca deegaannada iyo goobaha ay joogaan Shisheeyaha.

Dugsi Qur’aankii ayaa saaka xiran, waxaana sidaas ku istaagay duruustii ay qaadanayeen caruur Soomaaliyeed oo u hamuun qabay barashada Qur’aanka Kariimka.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.