Qarax Khasaare Kala Duwan Geystay oo Maanta Ka Dhacay Ekis Koontarool Afgooye.
Magaalada Muqdisho maanta waxaa ka dhacay qarax weyn oo geystay khasaarooyin kala duwan.
Qaraxan oo ay dowladda Federalku sheegtay in loo adeegsaday gaari ayaa gallaaftay nolosha dad kala duwan oo ay shacab kamid yihiin.
Xildhibaan Cabdirisaaq Maxamad oo horey usoo noqday Wasiirkii Amniga ayaa sheegay in dadka weerarka ku dhintay ay isugu jiraan ciidamo, ajaanib iyo dad rayid ah.
Warbaahinta maxalliga ah ee goobta sawirrada kasoo qaaday ayaa tirada guud ee dhimashada ku sheegtay labaatan illaa sodon.
Gudoomiyaha gobolka Banaadir ee DF Cumar Finish oo goobta tagay ayaa sheegay iney wadaan baaritaan dheeraad ah balse dhaawaca uu yahay sagaashameeyo.
Wuxuu muujiyay in weerarkan uu ku wajahnaa xarumaha muhimka ah ee dowladda, balse ciidamada dowladda ay ka hor tageen sababna u noqdeen inuu meesha ku qarxo.
Dhanka kale Afhayeenka Wasaaradda Warfaafinta, Ismaaqiil Muqtaar Cumar (Orange) ayaa sheegay in qaraxa ay ku dhinteen in ka badan 26 qof halka ay ku dhaawacmeen 60 qof, waa sida ay baahisay warbaahinta DF.
Sidoo kale saraakiisha caafimaadka ayaa sheegay in ay jiraan dad badan oo dhaawacyo ah oo la geeyay isbitaalada magaalada Muqdisho.
Isku soo wada duuboo illaa iyo hadda ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda weerarkan, waxaana uu dhacay xilli ciidamada dowladdu saaka xannibeen inta badan isku socodka gaadiidka, maadaama loo madalsanaa kulan uu Baarlamaanku yeelan lahaa.
Asc