Qarax Gaari Lagu Burburiyay oo ka dhacay Muqdisho.
Wararka naga soo gaaraya magaala madaxda Soomaaliya ee Muqdisho ayaa ku waramaya in qarax culus lala eegtay gaari Booyad ah oo ay saarnaayeen ciidamo katirsan kuwa Shisheeyaha ee duulaanka kusoo qaaday wadankeena.
Qaraxa ayaa haleeley gaariga booyaddda ah xilli uu marayay isgosyka Ifka Xalane ee wadada Warshadaha, waxaana burbur xoogan uu soo gaarya gaariga.
Ugu yaraan labo askari oo saarneyd ayaa geeriyootay, kaas oo midkood uu ahaa sarkaal katirsan ciidamada Shisheeyaha ee duulaanka ku jooga dalkeena.
Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa sheegatay masuuliyadda weerarkan.
Guutooyinka kala duwan ee ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa ka howlgala magaalada Muqdisho, waxaana si joogta ah u dhaca howlgallo kala duwan oo beegsada Shisheeyaha iyo dowladda federaalka.