Sarkaal katirsan Sirdoonka DF oo Muqdisho lagu dilay.

Rag hubeysan oo katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa magaalada Muqdisho waxay ku dileen sarkaal dharcad ah oo katirsan Sirdoonka dowladda federaalka.

Sarkaalka la dilay oo lagu magacaabo Shankar ayaa lagu toogtay qeybo kamid ah degmada Waaberi ee magaalada Muqdisho.

Rasaasta ayaa ka haleeshey qeybaha sare ee jirkiisa, waxaana durba isagoo meyd ah uu ku dhacay dhulka, iyadoo raggii dilka fuliyay ay goobta isaga tageen.

Waxaa goordambe halka uu dilka ka dhacay soo gaaray askar katirsan ciidamada dowladda federaalka, kuwaas oo qaatay meydka sarkaalkooda.

Muqdisho, dilalka loo geysanayo Saraakiisha, xubnaha iyo askarta dowladda federaalka ayaa joogta ka ah, waxaana ay kamid noqdeen nolol maalmeedka caadiga ah.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.