Sheekh Xassaan Oo Si qiiro leh kaga hadlay Gefkii Cabdi-Raxmaan Cabdi-Shakuur.(Daawo)

Sheekh Xassaan Xuseen Aadam Abuu Salmaan oo kamid ah culimada diinta Islaamka ee Soomaaliyeed ayaa si qiiro leh kaga hadlay falkii gefka ahaa ee uu siyaasiga Cabdi-Raxmaan Cabdi-Shakuur u geystay Nabiga Sallallaahu Caleyhi Wasallam ee uu ku inkiray xadiith saxiix ah.

Sheekh Xassaan ayaa dersiga Saxiixu Muslim ee uu hadda wado, wuxuu kaga dhex hadlay hadlakii siyaasigaas, isagoona sheegay in ninkaas uu ku dhacay lix weji oo gaalnimo ah.

Wuxuu Sheekhu ugu baaqay dhalinyarada Muslimiinta meel kastoo ay dunida ka joogaan iney qal qal geliyaan oo ay beegsadaan Cabdi-Raxmaan Cabdi-Shakuur oo uu sheegay inuu meel uga dhacay Nabiga Sallallaahu Caleyhi Wasallam iyo diinta Islaamka.

Sheekh Xassaan oo aad u qiirooday intii uu jeedinayay kalimadan ayaa wuxuu dhanka kale mahadcelin ballaaran u jeediyay dhalinyarada Muslimiinta ee gabdho iyo wiilal isuga jira, islamarkaana sida adag baraha bulshada uga difaacay sharafka Nabigeena Muxammad Sallallaahu Caleyhi Wasallam.

You might also like
2 Comments
  1. Farah Yusuf Abdi says

    Xassaan Aadam Eebow kadhawr xagatin soo gaadha
    Xiftiyoo Ilaahow anaan xaqa nin taageera
    Xumaan aanay soo gaarin iyo abid xanuun gaara
    Xaqa uu difaacaayey baa lagu xastaa yaaye
    Xusul duub waxay ugu jiraan Niman xishoon waayey
    Oo xalaal kadhigay dhiig islaam I ay xumee yaane
    Xayiray dheheen gaaladii waa nin xeel badane
    Xaaraan fatwada bay kufrigu u xawilaa yeene
    Islaam kana xaqirayeen intay been xujays taane
    Xadiis kii rasuul keen nin kii xooray oo tuuray
    Xeel bay u luuseen barkood kuna xabeebeene
    Xujadana kuseegeen ileen waa xamaaliine
    Xarbi kiinya nagu qaaday bay xoola siiyeene
    Xagaagay ahayd waste gate dhiigay xulayeene

  2. Abuufatima says

    Xaqa way sag saagaan dulmina saacidaan abide
    Saliibiga amxaarkaa ayey daba siqaa yeene
    Shaydaan sirgixan baad tihiinsuurad aadmilehe
    Sirqo doqona sawir caaqa iyo soobir moiyaane
    Saqiir Kuba mayeel kafaro dhiig lasiiyaaye
    Ictisaam saxal kiin dhacyoo saafi baad tiine
    Itixaadka Saman kiisi iyo siiradii shalayto
    Salafiga cilmaaniga ahee suufi daba jooga
    Iyo Nimanka seetada jartaan saakay oran weero
    Saliibiga intuu dhiig u shubay umal sifee beene
    Saaniyad islaam uu lasimay kaafir saailahee
    Sinsaaryee ijmaacoo sharciga tuur nusuus sugane
    Waa ninkaan Sina a uga xishoon sogordoh diineede
    Siryo dhagar ayuu Caan kuyahay xaqo lasay raaye
    Inuu yahay sifadan sheegay baan sugi Dhamaan teede
    Sifaad gooniyuu leeyahaan soo Sardinia yaaye
    Goortu suurad dilayoo Xaqa a dhabu sag saagaayo
    Goonyaha intuu saa u dayo oo sawir weedho ayu buu iyaa sixun u dhihin dhagar Sal dheerayde
    Siduu qabay doraad iyo sheekh sawir diinta
    Sanka inu kataagiyo sayro mooyaane
    Sina Uma aqbalo oo dhabuu uga San taagaaye
    Sabciin Niman barkood dhaafay oy dabac day seedoodu
    Saqiir iyo caruur weeye buu kuu sarbeebaaye
    Cabdullaahi seeftuu dul dhiigay iyo xugunki uu saaray
    Ama uu shariif saaci hore seetada gooyey
    Goortay inagu soo duushayoo soohdimaha dhaaftay
    Waatuu sawiray kiinya oo fatwada siiyey
    Saliibiga nasaarada nin kii dhiig ku sadaqaystay
    Salafiga jihaadana lahaa saaq haloo laayo
    Hadii anu Sandiiq dhaba ahayn saa mafalilayne

    Gabadhi Eyga biyaha siisay buu taala simayaaye

Leave A Reply

Your email address will not be published.