Tobanaan Ruux oo dhimasho iyo dhaawac ku noqday Weerarkii hotel SYL.

Waxaa soo idlaaday weerarkii cuslaa ee fiidkii xalay Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay ku qaaday hotel SYL oo kaabiga ku haya xarunta Madaxtooyada Villa Soomaaliya.

Dagaal culus oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan ayaa ciidamada Mujaahidiinta iyo kuwa dowladda oo taageero ka helaya Shisheeyaha ku dhexmaray hotelka, waxaana weerarka uu soo idlaaday xalay saqdii dhexe.

Tobanaan ruux oo isuga jira saraakiil, xillibaano iyo shaqaale dowladeed ayaa dhimasho iyo dhaawac ku noqday weerarkan, iyadoona marba marka ka dambeysa ay isasoo tarayaan wararka la xiriira khasaaraha.

Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa laga yaabaa in saacadaha soo socda ay si faafaahsan uga hadasho weerarkii dagaalyahanno Naftood huriyaal ah oo iyada katirsan ay ku galeen hotelka SYL oo hooy u ah xubno sar sare oo katirsan dowladda federaalka.

You might also like
1 Comment
  1. Abuufatima says

    Xamar waa aamin beendheh murta gaalo kale huf

Leave A Reply

Your email address will not be published.