Trump oo iska diiday xaadirida Fadhi su’aallo lagu waydiin lahaa.

War kasoo baxay guriga looga taliyo Maraykanka ayaa lagu sheegay in madaxweynaha wadnakaas Donald Trump aanu wakiil u dirsan doonin fadhiga dhici doonta maalinta Arbacada ee Congreska Maraykanka uu doonayo inuu su’aallo ku weydiiyo Trump.
Farriin ku socota Congreksa gaar ahaan guddiga qaabilsan su’aallo weydiinta madaxweynaha, islamarkaana uu diray la taliyaha Donald Trump ayaa lagu sheegay inaaney suuragal ahayn in Madaxweynuhu uu xaadiro ama wakiil u dirsado fadhi aan illaa iyo hadda la sheegin dadka marqaatiga ka ah eedeymaha loo soo jeediyay Trump.
Inkastoo la taliyaha Madaxweynaha Maraykanka aanu si cad u diidin suurtagalnimada in Aqalka cad uu ka qeybgalo fadhiga, hadana wuxuu ka codsaday masuuliyiinta Congereska iney bixiyaan macluumaad dheeri ah oo ku aadan kala fadhiga iyo Ajandayaasha looga hadli doono.
Bilooyinkii lasoo dhaafay waxaa socday olole ballaaran oo ay wadeen xubnaha ka socda xisbiga dimuqraadiga ee Congreska, kuwaas oo doonaya iney casilaan madaxweyne Trump, oo lagu eedayay fadeexado caalami ah oo ay kamid tahay in dowlado kale uu u gudbiyay sirta wadanka, ama macluumaad lagu dhibaateyn karo muwaadiniin Ameerikaan ah.