War Saxaafadeed Rasmi ah: Weerarkii Ex-Control Afgooye ee Muqdisho.

 

Xafiiska Warfaafinta ee Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa soo saaray warsaxaafadeed lagu faahfaahiyay khasaarihii ka dhashay weerarkii Ex Contarol Afgooye.

Warsaxaafadeedka oo ku soo baxay luqadaha Carabiga iyo Engiriisiga ayaa waxaa lagu billaabay sida tan:

“Kadib weerarkii sabtidii lasoo dhaafay ay Mujaahidiintu ku beegsadeen Kolonyadii Turkiga ee ka dhacay X-Control Afgooye iyo khasaarihii ka dhashay ee soo gaaray dadka shacabka, wuxuu nidaamka kooxda ridada bilaabay inuu raadiyo habab iyo xeelado uu kaga faa’ideysanayo wixii dhacay. Waxaana sidii caadada u ahaydba ay bilaabeen inay ka bad-badiyaan khasaaraha, iyagoo aad u kordhinaya tirada dhimashada ee shacabka, sidoo kalena qarinaya waxyeelada soo gaartay saraakiishooda iyo ciidankooda si loo kiciyo loona kasbado ra’yul caamka dhankooda ah”.

Sida uu warsaxaafadeedku qeexay kadib muddo saddex maalmood oo la waday baaritaan sugan iyo dabagal dhameystiran kaasoo intii uu socday ay Mujaahidiintu la xiriireen dhamaan dhinacyada ay arintu khuseyso ee kusugan Muqdisho waxaa ugu dambeyntii u suuragashay  inay helaan faahfaahinta dhabta ah ee weerarka, waxayna kala yihiin sida soo socota:

Saraakiisha Turkiga ee lagu dilay weerarka waa 4 sarkaal.

Qandaraasleyaasha la socday ciidamada Turkiga iyaguna halkaa lagu khaarajiyay waa 4.

Waxaa wehliya Nin Tarjumaan u ahaa Saraakiisha Turkiga iyadoo maleeshiyaatkii ilaalada gaarka u ahaa Saraakiisha Turkiga ee goobta ku dhintay ay tiradoodu tahay 12 askari.

Dhimashada ciidamadii Police-ka ee joogay Koontaroolka waa 21 askari.

Halka ciidamada military-ga ee DF kaga dhintay weerarka ay iyaguna yihiin 6 askari.

Sidoo kale warsaxaafadeedka ayaa soo bandhigay in hey’adda sirdoonka ee DF ay halkaas uga dhinteen 9 xubnood iyo Afar sarkaal oo katirsan saraakiisha ciidanka.

Intaas marka laga yimaado, bayaanka wuxuu xaqiijiyay in khasaaraha dhimasho ee dadka Muslimiinta ee rayidka uu yahay 23 ruux.

Sidaasna waxay tirada guud ee dhimashadu ku noqoneysaa 84 ruux, dhaawacuna waa 69 ruux.

Haddaba intaasi kadib Xarakada Mujaahdiinta Al-Shabaab ayaa waxay bayaanka ku tiri:

“Inkastoo ay Mujaahidiintu aad uga taxadaraan howlgaladooda military, dadaalka ugu xoogana geliyaan in laga baaqsado khasaaraha shacabka hadana nasiibxumo waxaa weerarkii sabtidii uu si aan ku talogal ahayn dhib uga soo gaaray dad Muslimiin ah markii gaari ay la socdeen dad rakaab ah uu si lama filaan ah kusoo galay wadada isagoo kasoo baxay waddo la xiray kahor inta uusan weerarku dhicin, ka dibna kusoo dhacay goobtii bartilmaameedka ahayd.

Sidaas darteed Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab waxay mar kale tacsi uga direysaa Muslimiinta ku waxyeeloobay howlgalkaas military” ayaa lagu yiri Bayaanka.

“Mujaahidiintu waxay markale cadeynayaan in dhiigga, hantida iyo sharafta Muslimiintu ay tahay mid aan lagu xadgudbi karin mana ogolaaneyno in waddo aan xaq ahayn lagu daadiyo dhiigooda ama la boobo hantidooda ama lagu tunto sharafkooda.

Sidaas oo ay tahay hadana difaaca Islaamka iyo ilaalintiisa ayaa marwaliba ka horeyso ilaalinta nafta, waxaana ballan qaadeynaa inaan sii laba jibaari doono dadaaladeena, siina xoojin doono jihaadka aan kula jirno soo duulayaasha, isla wakhtiga aan sidaas leenahay waxaana ugu laab-qaboojinaynaa walaalaheena Soomaaliyeed ee Muslimka ah inaan qaadi doono dhamaan talaabooyinka lagama maarmaanka ah ee aan ku ilaalineyno naftooda intii aan awoodno. Ayaa sidoo kale lagu yiri bayaanka.

 

Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa ayaa dhammaan dadka Soomaaliyeed ee Muslimka ah ugu baaqday inay ka fogaadaan ciidamada shisheeye ee soo duulay oo ay ugu horeeyaan kuwa Turkiga. “Hala safrina hana la yeelanina xiriiro ganacsi iyo wixii lamid ah, waa kuwo bartilmaameed sharciya u ah howlgaladeena” ayaa lagu yiri.

Bayaanka gabagabadiisa ayaa waxaa sidoo kale tacsi loogu diray dadkii rayidka ahaa ee uu Mareykanku gumaaday horraantii todobaadkan waxaana lagu yiri.

“Ugu dambeyntii waxaan u tacsiyeyneynaa shacabkii iyo ganacsatadii Muslimiinta ahaa ee lagu dilay duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo ay u dambeysay duqeymihii kala duwanaa ee Axadii lasoo dhaafay ka dhacay Sh/hoose. Ciidamada Mareykanka waxay bilaabeen inay si indha la’aan ah u duqeeyaan dadka shacabka ah kadib markii ay si buuxda ugu guuldareystay duullaanka ay ku soo qaaday Islaamka”.

ولله العزة ولرسوله وللمؤمنين ولكن المنافقين لا يعلمون

 

Maktabka Warfaafinta ee Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

Halkan Ka akhriso War Saxaafadeedka oo ku quran Luuqadda Carabiga.

Halkan ka dhagayso War saxaafadeedka oo ku quran Luuqadda English-ka.

 

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.