Weerar Askar Maraykan ah lagu dilay oo ka dhacay dalkaas.
Wararka ka imaanaya dalka Maraykanka ayaa sheegaya in weerar hubeysan oo lagu dilay ciidamo Maraykan ah uu ka dhacay saldhig milliteri oo ku yaala mid kamid ah gobollada wadankaas.
Warbaahinta Maraykanka ayaa shaaca ka qaaday in askari hubeysan uu weerar ka fuliyay gudaha saldhig ciidan oo ku yaala gobolka Hawaii ee wadanka Maraykanka.
Saldhiga uu weerarku ka dhacay waxaa lagu magacaabaa Beril Harper, waana mid kamid ah saldhigyada ugu weyn ee ay deganyihiin ciidamada Maraykanka.
War kasoo baxay wasaaradda dagaalka ee Maraykanka waxaa lagu xaqiijiyay in weerarka lagu dilay 3 askari oo Maraykan ah, islamarkaana uu si dilay ninka fuliyay weerarka oo isaguba ahaa askari Maraykan ah.
Saldhiga uu weerarka ka dhacay ayaa dhowr saacadood albaabada la isugu dhuftay, waxaana goordambe dib usoo laabtay dhaq-dhaqaaqa, iyadoo saraakiisha Maraykanku ay wadaan baaritaanno lagu ogaanayo sababaha keenay weerarka.