Weerar ka dhacay magaalo u dhow Newyork oo dhaliyay Khasaare.

Rasaas ka dhacday magaalada New Jersy ee dalka Maraykanka, una dhow Newyork ayaa waxaa dhimasho iyo dhaawac ku noqday kudhawaad 10 ruux oo Ameerika ah, oo uu ku jiro sarkaal sare oo Police ah.

Sida ay baahinayaan warbaahinta Maraykanka, labo ruux oo hubeysan ayaa toogtay dadyow Ameericaan ah oo ay ku jiraan ciidamo Maraykan ah, waxaana weerarka uu ku dhacay meel u dhow goob ganacsi oo ku taalla bartamaha magaalada New Jersy.

Warar horudhac ah oo la helayo waxay sheegayaan in dadka lagu dilay weerarka uu kujiro sarkaal sare oo Maraykan ah, kaas oo xilligaas ka ag dhawaa goobta.

Warar kale oo la helayo waxay sheegayaan in dadka dhintay ay ku jiraan labo ruux oo looga shaki qabo iney ahaayeen raggi weerarka fuliyay.

Maalmihii dambe, waxaa soo badanaya weerarada ka dhacaya gudaha dalka Maraykanka ee lagu beegsanayo ciidamada Maraykanka iyo shacabkooda, waxaana illaa iyo hadda laamaha Amaanka ay la’yihiin tallaabooyin ay uga hortagaan weerarada noocaan ah.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.