Weerar ka dhacay Mandheera Oo lala beegsaday Shirkad qaabilsan Xuduuda.

Ciidamo katirsan Al-Shabaab oo ka howlgala Saaxilka iyo NFD

Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ee ka howlgala dhulka Soomaaliyeed ee NFD ayaa fuliyay howlgal horleh oo beegsaday shirkad muhiim u ah dowladda Kenya, taas oo qaabilsan arimaha xuduud beenaadka Soomaaliya iyo Kenya.

Ciidamada Mujaahidiinta ayaa weeraray xarun ay shirkadan ku leedahay deegaan hoostaga magaalada Mandheera ee NFD, waxaana u suuragashey iney gudaha u galaan xarunta shirkadan, kadib markii ay baxsadeen ciidamadii ilaalada ka hayay.

Warar la helayo ayaa tibaaxaya in ciidamada Mujaahidiinta ay goobta ku gubeen ugu yaraan 4 gaari oo ah noocyada waaweyn ee lagu dhiso laamiyada iyo wadooyinka, iyo sidoo kale matooro qaali ah oo ay lahayd shirkadda la weeraray.

Shirkadan ayaa dowladda Kenya u qaabilsaneyd olole dhul ballaarsi horleh oo ay dowladda Kenya ku dooneyso iney ku qaadato dhul soomaaliyeed oo cusub, waxaana dhanka kale siligyo dhaadheer ay ku wareejineyso deegaanada xuduud beenaadka.

Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ee ka howlgala NFD ayaa sii laba jibaaray howlgallada ay ka fulinayaan dhulkaas, islamarkaana ay la beegsanayaan madaxda dowladda Kenya iyo muwaadiniinteeda Kirishtaanka ah.

Dhawaan ayay ahyad markii ciidamada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay Mandheera ka fuliyeen weerar qorsheysan oo ay kusoo afduubeen shaqaale u shaqeynayay dowladda Kenya, waxaana kasii horeeyey weerar ka dhacay Gaarisa oo lagu dilay ugu yaraan 9 ruux Kenyaati ah oo ay saraakiil Police ku jireen.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.