Weerar lala eegtay Ciidamada Bankrafta Oo ka dhacay Shabeellaha Hoose.
Gobolka Shabeellaha Hoose waxaa ka dhacay weerar qorsheysan oo lala eegtay ciidamo katirsan kuwa Bankrafta ee sida gaarka ah uga amar qaata ciidamada Maraykanka ee duulaanka ku jooga Soomaaliya.
Weerarka ayaa dhacay xilli ciidamada Bankrafta ay kusii jeedeen saldhiga ay ku leeyihiin garoonka Bellidoogle ee gobolka Shabeellaha Hoose, kaas oo ah taliska ugu weyn ee ciidamada Maraykanka ee jooga Soomaaliya.
Ciidamada Bankrafta ayaa gelbinayay gawaari u socotay saldhiga Bellidoogle, waxaana la gaarsiiyay khasaare kala duwan.
Ugu yaraan hal askari ayaa lagu dilay weerarka, iyadoona laga furtey qorigii iyo booshkii uu watay.
Maalintii darraad ayay ahayd markii askar Bankrafta katirsan oo kusii jeeday Bellidoogle ay la kulmeen weerar kaga yimid dhanka Mujaahidiinta, waxaana laga furtey mid kamid ah mootooyinkii ay wateen.
Bankrafta waa askar uu tababaray Maraykanka, islamarkaana qabta danaha uu ka leeyahay Soomaaliya, waxaana si joogta ah ay ula kulmaan weeraro kaga yiimaada dhanka Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.