Xaalad kacsanaan ah ayaa ka jirta wadanka Ciraaq xilli uu is casilay Ra’iisul wasaaraha Rawaafidda.
Wararka naga soo gaaraya wadanka Ciraaq ayaa waxay sheegayaan iney wali socdaan dibad baxyadii looga soo hor jeeday maamulka Raafidada.
Dibad baxayaasha degaanada qaar ayaa sheegay ineysan ku filnayn is casilaayada ra’iisulwasaaraha oo kaliya.
Falanqeeyeyaasha ayaa siyaabo kala duwan u falanqeynaya xaaladda kacsanaanta ah ee ka jirta dalkaasi.
Caadil Cabdil Mahdi oo ahaa ra’iisul wasaaraha wadanka Ciraaq ayaa shalay iska casiley xilkii ra’iisul wasaarnimo ee uu hayay, kadib todobaadyo xiriir ah oo uu wadanku lugaha la galay xaalad adag oo dhanka xasiloonida ah.
ninkan, ayaa hor tagay baarlamaanka wadanka, wuxuuna si toos ah u sheegay in xukuumadiisa ay is casishey, iyadoo u hogaansameysa dalabaadka culimada shiicada ah oo arinkaas soo jeediyay.
isagoo hadal jeediyay ayaa sheegay in xukuumadiisa ay juhdi ballaarna ku bixisay sidii ay u qancin lahayd shacabka careysan ee dibadbaxyada dhigaya, balse ay ku guul dareysatay, taasna ay keentay inuu is casilo.
Banaanbaxyada ka soconaya wadanka Ciraaq ayaa sii xoogeysanaya maalinba maalinta ka dambeysa, waxaana maalmihii lasoo dhaafay ay ciidamada Amaanku dileen dadweyne oo aad u badan oo boqollaal gaaraya, kuwaas oo lagu toogtay fagaarayaasha dibadbaxyada.